Guddoomiyaha Gobolka Banaadir yaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaaz.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaaz.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale iyo Safiirka Turkiga ayaa kawada hadlay xoojinta Iskaashiga lagu horumarinayo heshiiska Mataaneenta Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga, dardargalinta mashaariicda lagu dhisayo Waddooyinka Caasimadda iyo xarumaha Danta-Guud.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Dowlada Turkiga iyo shacab keeda kaalinta ay ka qaataan dib usoo kabashada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.