Guddoomiyaha Gobolka Banaadir yaa maanta si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan Kubada Koleyga ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan Kubada Koleyga ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Garoonka Stadium Wiish ee degmada Cabdicasiis oo ay ka dhacday furitaanka tartankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dadweyna ah oo kala taageerayay degmooyinka Wadajir iyo Howl Wadaag kuwaas oo tartankan lagu furay.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa kula dardaarmay ciyaartoydii ka socotay degmooyinka iyo deegnada Muqdisho in ay soo bandhigaan ciyaara ku dhisan Aqlaaq iyo xirfad wanaag.