Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo soo xiray tartanka quraan aqriska gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π€π±π¦πžπ 𝐀𝐦𝐒𝐒𝐫 ayaa soo xiray Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo sanad weliba bisha barakeysan ee Ramadaan la qabto ayaa waxaa ka qeyb-galay ardey ka kala socotay Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kaalimaha horey u kala galay;

30-π’Œπ’‚ 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 π‘Έπ’–π’“π’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘²π’‚π’“π’Šπ’Šπ’Žπ’Œπ’‚.

1- Caa’isha Aadan Maxamed (Kaalinta 1aad).

2- Maxamed Cusmaan Aadan (Kaalinta 2aad).

3- Xannaan Axmed C/laahi (Kaalinta 3aad).

20-π’Œπ’‚ 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 π‘Έπ’–π’“π’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘²π’‚π’“π’Šπ’Šπ’Žπ’Œπ’‚.

1- Cabdimaalik Rashiid Maki (Kaalinta 1aad).

2- Sakariye Cilmi Maxamed (Kaalinta 2aad).

3- Cabdiraxmaan Cabdisalan Maxamed (Kaalinta 3aad).

10-π’Œπ’‚ 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 π‘Έπ’–π’“π’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘²π’‚π’“π’Šπ’Šπ’Žπ’Œπ’‚

1- Cabdisalaan Cumar Xuseen (Kaalinta 1aad).

2- Ibraahim Macalin Xareed (Kaalinta 2aad).

3- Aasiya Nuurudiin Xasan (Kaalinta 3aad).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π€π±π¦πžπ 𝐀𝐦𝐒𝐒𝐫 ayaa kula dar-daarmay Macalimiinta Dugsiyadda Quraanka Kariimka in ay ardeyda baraan tafsiirka Quraanka, si ay faham guud ugu qaataan micnaha uu leeyahay Quraanka Kariimka, asigoona balan qaaday in uu wax ka qaban doonno marxaladda ay hada ku sugan yihiin Dugsiyadda Quraanka Kariimka.

Guddoomiye Amiir abaal-marino kala gedisan guddoonsiiyay ardeyda kaalimaha horey ka galay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaam ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona Hambalyo iyo boogaadin u diray dhamaan ardeyda, Macalimiinta, guddigii qaban qaabada, guddigii garsoorka iyo waalidiinta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Agaasimeyaal, Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada Degmooyinka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Maclimiimta Dugsiyadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β