Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ahna U-qeybsanaha Howlaha Bani’aadannimada Mudane George Conway.

Kulanka ayaa loogu hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta wada-shaqeynta Xafiiska QM iyo Maamulka Gobolka Banaadir, xal u helida arrimaha barakacayaasha iyo sidii Xafiiska xalka waara ee Maamulka Gobolka Banaadir (DSU) lagu garab siin lahaa Qorshahooda ku aadan sidii Shaqo Abuur, Waxbarasho, Caafimaad iyo Deegaameyn loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.