Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay safiirka midowga yurub u fadhiya Soomaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mrs, Tiina Intelmann.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Yurub, gaar ahaan horumarrinta Amniga, dib-u dhiska goobaha Danta Guud, bilicda Caasimadda, shaqa abuurka Dhallinyarada,maareenta Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa looga hadlay hoos u daadajinta adeegyada Bulshada, naleynta magaalada, diyaarinta doorashooyinka golayaasha deegaanka, iyo Maqaamka Caasimadda.