Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray dhismaha waddada Warshadda Caanaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeer ku tegey dhismaha ka socda Wadada Warshada Caanaha oo ay hore Cabasho uga soo gudbiyeen shacabka Magalaada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadadan laami la saari doono iyadoo hadda la dhameyay dhismaha Marsha Biyeediga.
Dhismaha Wadadan oo uu maalgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay qeyb ka qaadaneysaa bilicda Magaalada Muqdisho iyadoo soo afjareysa dhibaato ay ku qabeen Gaadiidka halkaasi isticmaala.