Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxriisto Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Marxuumka uu kaalin weyn kasoo qaatay Nabadeynta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dib u yagleelida Dowlad-dhiska Soomaaliya. Asigoona eebe ugu baryay Marxuumka in uu jannaddi fardowso ka waraabiyo.

Allaha u naxariisto Cali Ugaas Cabdulle ayaa Duqa Magaalada Muqdisho noqday sanadihii 1987-1990 dowladdii Kacaanka.