Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalaya Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalaya Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasi oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoominaya, iyadoona diirada lagu saari doonno qodobo ay ka mid yihiin; Federaaleynta, Garsoorka iyo Asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.