Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku Saabsan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Isdiiwaangelinta Dadweynaha ee Doorashooyinka tooska ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka oo talada dib loogu celinaayo bulshada, si ay usoo doortaan hogaankooda, isla markaana ay xuquuqdooda aasaasiga ah u helaan.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in gacanta shacabka ay ku jirto Muqdisho oo hesha maqaamkeeda, isla markaana la mid noqota Maamul Goboleedyada dalka, taasi oo lagu gaari karo in bulshada ay u dareeraan goobaha isdiiwaangelinta si ay usoo doortaan golayaashooda deegaanka.

Duqa Muqdisho ayaa soo dhaweeyay gogosha qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha JFS, asigoona shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan horumarka iyo amniga ka jira Magaalada Muqdisho, lana xoojiyo wada-shaqeynta hey’addaha amniga, iyadoo la taageerayo dagaalka ay ciidamada xooga iyo kuwa deegaanada kula jiraan kooxaha Khawaarijta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Culuma’udiin, Bahda Waxbarashada, Haweenka, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.