Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Md. Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee G/Banaadir. Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Kaxda laga qaaday Md. Cabdiwali Xasan Nuur.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Kaxda in uu dardargeliyo howlaha shaqo ee loo idmaday.