Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa loogu hadlay xaaladihii ugu danbeeyay iyo saameynta dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Nino ee ka da’ay Caasimadda Muqdisho, soo celinta Nadaafada & Bilicda iyo dar-dargelinta Amniga Magaalada Muqdisho.