Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dhis lagu sameynayo Buundooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

ILAYSKA DALKA:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhis lagu sameenayo Buundooyinka ku yaala Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Dhagax dhigaan oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga My Bank ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir  Madaxda Bangiga My Bank.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulkiisa ay aad usoo dhaweenayaan cid weliba oo ka qeyb-qaadaneysa Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska waxaa uuna ku amaanay Bangiga My Bank dadaalka ee ku bixinayaan dhismaha Buundooyinka Mara Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Shacabka Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan bilicda goobaha dib-u-dhiska lagu sameenayo si loo wada ilaashado waxyaabaha danta guud ee ummuada ka wada dhaxeyso.