Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda hoose ku qaabilay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya mudane Ibrahim Mete Yağli, asigoo ugu horreyn ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dib u doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan.

Duqa muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi karin kaalinta uu Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisa ku leeyihiin Dawlad-dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaasna u rajeeyay Shacabka iyo dawladda turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda.

Danjie Ibrahim mete yağli, ayaa ugu mahadceliyay Shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir dareenka walaaltinimo oo ay ku muujiyeen farxadda guusha dib-u-doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, asigoona sheegay in talaabadaasi ay ka turjumeyso xariirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee soomaaliya iyo turkiga.

Ugu danbeyn guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo danjire Ibrahim Mete Yaglim ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka Dowladda Turkiga iyo Maamulka gobolka Banaadir, dar-dargelinta mataaneynta Muqdisho iyo magaalooyinka dalka Turkiga iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga iyo is-dhaafsiga aqoonta.