Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Cumar Filish) yaa ka qeyb galay munaabada Ubax dhiga xuska 26-ka Juun.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay munaabada Ubax dhiga xuska 26-ka Juun oo ka dhacday Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waabari.
Ubax dhigaan ayaa qeyb ka ahaa maamuska Qaran ee maalmaha Xuriyada gaar ahaan 26-ka Juun oo ku asteesan xiligii ay Gobolada Waqooyi ka xaroobeen Gumeestihii Ingiriiska islamarkaana ah markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka JS.