Guddoomiyaha Gobolka Bakool iyo wafdiga saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada ceelberde,si ay uga qeybqaataan abaabulka ka socda degmada ceelberde ee la doonayo in maleeshiyada shabaab looga xureeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka bakool.
Wafdigaasi,waxaa garoonka diyaarada ee degmada ku soo dhoweeyey maamulada degmooyinka ceelberde, rabdhuure iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamo isugu jira xooga dalka iyo daraawiishta dowlad goboleedka koonfur galbeed ,kuwaas oo halkaasi u jooga ka qeyb qaadashada howgalada ka dhanka ah maleeshiyada alshabaab.
Qorshaha safarka ayaa ah in la dhiirigaliyo bilowga howgal la doonayo in lagu ballaariyo xudduuda soomaaliya la wadaagto dowlad deegaanka soomaalida oo ,iyaduna la tilmaamay in ay u diyaargaroowday in dowlada soomaaliya ay ku garab siiyaan ciribtirka argagaxisada alshabaab.
Sidoo kale haatan waxaa degmada Ceelberdeku sugan ciidamo macawisleey ah oo ku soo biiray dagaalada looga horjeedo kooxaha nabad-diidka.

