Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadiq Abshir Garaad ayaa xarunta Dhexe ee Guddiga kula dardaarmay howl-wadeennada ka shaqeynaya goobaha codbixinta maalinta Doorashada ee 25ka bishaan December.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyay howlwadeenada in ay ku shaqeeyaan qiyam iyo mabda’ u adeegayada Bulshada, islamarkaana si hufan oo hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan shacabka codkooda dhiibanaya.

25ka bishaan, waa maalin weyn oo taariikhi ah, waxayna shacabka Muqdisho u dareeri doonaan Doorasho qof iyo cod ah.