Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee JFS oo si rasmi ah ula wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyadoo xilka uu ku wareejiyey Garsoore Sare Cabdalle Xaaji Maxamed.

Waxa Munaasabadda xil-wareejinta goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Mudane Hassan Macalin, Guddoomiyaha Maxkamadaha Racfaanka Mudane Siciid Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud , Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, Hantidhowraha guud ee Qaranka, Bahda Qareenadda iyo dhamaan hay’adaha garsoorka dalka.

Gudddoomiye Ibrahim Iidle Sulaymaan, oo kalmad kooban ka jeediyey munaasibada ayaa ku dardaarmay in dhamaan hawlihii shaqo ee Maxkamadda sare halkeedii ka sii socdaan, islamarkaana la dar-dargalin lagu samayn doono horumarinta garsoorka, xoojinta cadaaladda, dhowrista sharciga iyo madax-bannaanida garsoorka dalka.