Guddoomiyaha BFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo Muslimiinta ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Fitriga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guud ahaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fitriga.

Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryey in uu ka aqbalo dhammaan cibaadooyinkii la gudtay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isla markaana uu ummadda Muslimka ah ka yeelo kuwo ku naalooda nabad, midnimo iyo barwaaqo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan wadajirka iyo is garab istaagga, si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u rajeeyey dhammaan Muslimiinta caalamka Ciid barako leh, farxad iyo nabad waarta.