Guddoomiyaha BJFS oo khudbad ka jeediyey shir-weynaha 11-aad ee Baarlamaannada Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa ka qeyb galay  shirweynihii 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda heer qaran iyo heer gobol ee Afrika oo ka furmay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey shirweynaha ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada Geeska Africa iyo sidii loo soo afjari  lahaa cuno yaraanta  ay wajaheeyso qaarada Africa ayadoo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneysa  wax-soo saarka iyo saameenta cudurka Covid-19.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ahmiyad gaar ah siinay in iskaashi balaaran  laga sameeyo sidii looga hortagi laa abaaraha soo noqnoqday ,waxaana uu u rajeeyey in shirka wax lataaban karo ay ka soo baxaan sidoo kale waxa uu u mahadceliyey cidkastoo ka qeyb qaadatey.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe)  ayaa  adkeeyey in baarlamaannadda Afrika ay fuliyaan wixii ay ka balan qaadeen shacabkooda  ,qaaradana lagu wacyi-geliyo kordhinta wax-soosaarka iyo beerashada