Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi-Bari oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas.

Guddiga cusub ee doorashada ayaa ka kooban toddobo xildhibaan oo loo xilsaaray qabanqaabada iyo maareynta doorashada hogaanka sare.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

1. Xildhibaan Axmed Keyse Cabdi Shire

2. Xildhibaan Cabdi Ismaaciil Axmed

3. Xildhibaan C/kariin Cali Yuusuf

4. Xildhibaan Siciid Dalmar Faarax

5. Xildhibaan Maxammed Maxamuud Cali

6. Xildhibaan Guuleed Maxammed Nuux

7. Xildhibaan Axmed Cali Xuseen

Magacaabista guddigan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo dardar-gelinaysa geeddi-socodka doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, taas oo loo ballansan yahay inay dhawaan qabsoonto.