Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka.

Dr. Aadan Cabdullaahi, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo dhoweynta ka dib warbaahinta la hadlay, isagoo marka hore ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna sheegay in Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul cusub oo ku soo biiray maamul gobolleedyada dalka.

“Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari waa dowlad cusub oo kusoo biirtay Maamul Goboleedyada Dalka ka jira kuna timid rabitaanka shacabka”.

Waa markii ugu horeysay oo uu guddoomiyaha safar ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo doorashadiisa.