Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay dagaalka khawaariijta looga xorreynayo Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Gobolleed Hirshabelle mudane Cabdixakiim Luqmaan Xaaji ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlaayay wajiga 2-aad ee dib u xorreynta gobalka Hiiraan gaar ahaan galbeedka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano katirsan BJF, qaar kamid ah labada gole ee dowlad gobolleedka Hirshabelle, saraakiil ciidan, Gudoomiye ku xigeenka gobalka Hiiraan iyo siyaasiin kale.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in waqtiyada dhaw la soo afjaro Khawaariijta oo laga saaro deeggaanadda ay kaga sugan yihiin Gobolka hiiraan ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.