Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo gaaray magaalada Khartuum

Khartuum- Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiim Luqmaan ayaa gaaray magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Gudoomiyaha waxaa ku soo dhaweeyay caasimada sedex geesoodka dalka Suudan Khartoum Ku-simaha Safiirka Safaarada Soomaliya ee Dalka Suudan Axmed ibraahim Buurfuule iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan Jeego iyo Jaaliyadda ku dhaqan dalka Suudan.

Guddoomiyaha  Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa safar shaqo ku tegay dalka Suudan, wuxuuna mudada uu ku sugan yahay  kulamo kale duwan la qaadan doona Jaaliyadda iyo Ganacstada iyo Aradayda Soomaaliyed ee wax ka  barta dalkaasi suudaan.