Guddoomiyaha Baarlamaanka FS oo la kulmay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samatabixinta K/Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta ee K/Galbeed Soomaaliya,

Kalankaasi waxaa looga  hadlay dardargelinta wajiga labaad ee shirka dib u heshiisinta Koonfur Galbeed iyo sidii dalka looga xorreyn lahaa  kooxda Khawaariijta ee Al-Shabaab.

Guddoomiyaha , ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka looga arrinsanaayo hannaanka geedi socodka nabadda iyo sidii guul mira-dhal ah loogu gaari lahaa gogosha taalla magaalada Baydhabo.