Guddoomiyaha Baarlamaanka FS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Kenya

uddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo diblomaasiyiinta kale ee safaaradda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo la hadlay xubnihii soo dhoweeyay ayaa sheegay in safaaradda ay mas’uul ka tahay matalaadda qaranka, ilaalinta danaha muwaadiniinta iyo xoojinta xiriirka labada dal, isagoo dhiirigeliyey dadaallada diblomaasiyadeed iyo adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed ay Safaaraddu u hayso.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxa uu u mahadceliyey Safiirka iyo dhammaan hawlwadeennada Safaaradda, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan u adeeggida bulshada iyo ilaalinta sharafta qaranka.