Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay lataliye xamse warfaa

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

Lataliye Warfaa oo Guddoomiyaha ugu yimid booqasho iyo salaan, ayaa sidoo kale iska xog waraystay xaaladda guud ee dalka iyo  geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna Guddoomiyuhu ku bogaadiyay Warfaa dadaalkiisa uu ku gaaray shaqadaan lagu aaminay.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullahi Cali Xersi Timacadde, Sanatarro iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare.