Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Mudane, Wang Yu.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxay si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka soo-jireenka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha iyo sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhkaas ka wada dhexeeya labada dowladood.

Danjiruhu wuxuu adkeeyay in Dowladda Shiinuhu ay marwalba garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dhinac walba isla markaana ka shaqeynayo xidhiidh wada shaqayn dhow oo dhexmara Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabiga Qaran ee Shiinaha.