Guddoomiyaha Aqalka sare oo la kulmay madaxda hay’adda UNDP ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaasi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Jocleyn Mason oo ah Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka socday isla  hay’addaas.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay taageerada hay’addu siinayso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Aqalka Sare iyo in ay gacan ka gaystaan dhammaystirka dib u eegista Dastuurka KMG ah.