Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika

Guddoomiyaha Aqalka Sar ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland oo uu wehliyay Agaasimaha geeska iyo Bariga Africa u qaabilsan Finland, Mudane Jukka Pajarinen.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa ka wada hadlay kaalinta dowladda Finland ay ka gaysan karto taageerada howlaha shaqo ee Aqalka Sare ka xoraynta Dalka ee Khawaarijta Al Shabaab, dib u heshiisiinta, Dowlad Wanaagga, iyo wada shaqaynta Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Dowladda Finlad.