Guddoomiyaha Aqalka sare oo la kulmay danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan bin Xamze Haashim.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada Dal, in Dowladda Qadar kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha ba’an ee haatan ka jira dalka iyo sidoo kale, in la dhiso xiriir wax-tar leh oo wada shaqayneed oo ay wada yeeshaan golayaasha sharci dejinta ee labada dal.

Sidoo kale, Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cali Maxamed Jaamac.