Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska iyo qaraabada ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee marxuumad Xildhibaan hore Suuri Diiriye Carab.
Guddoomiyaha ayaa marxuumadda Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa ,isagoo qoyskii iyo qaraabadii ay ka tagtayna faray Samir iyo iimaanna.
Marxuumad Suuri ayaa ahayd xubin ka tirsan Baarlamaannadii dalka soo maray laga soo bilaabo Baarlamaankii lagu soo dhisay Magaalaadda Carta sanadkii 2000 ilaa Baarlamaankii 10-aad.
Marxuumadda ayaa xalay ku geeriyootay Magalada Muqdisho,kadib kolkii ay muddooyinkaan ku xanuunsaneyd magaalada caasimadda ah.
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.