Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo diirran u diray Mudane Maxamed Axmed Al Yamaaxi oo ku guulaystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta labada sano ee soo socota.
Guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu u rajaynayaa Guddoomiyaha cusub ee la doortay inuu ilaahay la garab galo xilkaas culus ee loo doortay , isla markaana wuxuu ballan qaaday in Aqalka Sare uu si dhow ula shaqayn doono.