Guddoomiyaha Aqalka sare iyo safiirka Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.
Safiirka oo guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa ayaa sidoo kale, ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada dal ee walaalaha ah.