Guddoomiyaha Aqalka Sare ee JFS oo Maanta Shir-guddoomiyay Kulanka Labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Muqdisho(Wargeyska Dalka)–Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Maanta Shir-guddoomiyay Kulanka Labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta Ajandayaasha Mudnaanta u leh fadhiyada Golaha, qaabaynta hadal-qoraallada fadhiyada Guddiga iyo xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka Hay’adaha Dowladda. Waxaa sidoo kale Goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).

Guddoomiyeyaasha Guddiyada Aqalka Sare ayaa soo jeediyay aragtiyo la xiriira habraacyada korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka, iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta Guddiyada ee gudashada waajibaadkooda Dastuuriga ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhaqan-geliyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee ay soo jeediyeen Xubnaha Guddigu, lana dardargeliyo howlaha korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay ilaalinta waqtiga Shaqada iyo soo-xaadirista Xubnaha Golaha, si waajibaadka loo igmaday si hufan oo Mas’uuliyad leh loo guto.

 

xaashi1.jpg