Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.

Danjiruhu wuxuu Guddomiyaha soo gaarsiiyay salaan sharafeed iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, taas oo uu uga siday Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaranka ee Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash.
Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale oo ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, sidii ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda dalka, iyo waliba in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara Golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.