Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo kulan la qaatay Safiirada u Jooga Midowga Yurub & amp;Talyaaniga Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirada u kala jooga Midowga Yurub iyo Talyaaniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Alberto Vecchi

Guddoomiyaha iyo Safiirada ayaa kawada hadlay dhammaystirka howlaha Doorashooyinka iyo sidii doorashada Madaxwaynaha 10aad ee JFS ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilani iyo nabad ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirada dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay siiyaan doorashooyinka socda ee Soomaaliya.