Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka oo la kulmay Haweenka bulshada rayidka Soomaaliyeed

Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay kulan is xog-waraysi ah la qaatay Haweenka bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Xubnaha Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka JFS oo kulanka loogu yeeray, ayaa dhagaystay dareenka iyo talooyinka Haweenka bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u eegista dastuurka KMG ah iyo ka miro-dhalinta qoondada Haweenka eeĀ  boqolkiiba soddon.