Guddiyada doorashooyinka oo billaabay shahaado siinta murashixiinta guddoonka labada Aqal ee BFS

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo ku xigeennadiisa ayaa manta shahaadada murashaxnimo guddoonsiiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana Nuug) oo u sharaxan xilka Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha shacabka ayaa isna qaatay Shahaadada Musharaxnimo.

Sidoo kale, Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa shahaadada Murashaxnimo guddoonsiiyay Senator, Ilyaas Baddel Gabboose oo u taagan xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka sare.

Guddiyada labada Aqal ee BFS ayaa weli wada diiwaan gelinta iyo Shahaado siinta xubnaha u tartamaya hoggaanka labada Aqal.