Guddigii loo xil saaray baarista dil loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka Qaranka oo la kulmay ehelada marxuumka

Muqdisho(SONNA):-Guddi Wasiiro iyo Saraakiil Amni isugu jiray oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista dil dhowaan loo geystay askari ka tirsanaa ciidan Qaranka ayaa maanta la kulmay eheladda marxuumka.

Guddiga  loo xilsaaray barista kiiskan waxa ka mid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Alcadaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud  Qaroole.

Mas’uuliyiint ayaa si degan u dhageystay cabashada ehelada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe iyagoo ehelada ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Insaanimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan

.