Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadantinimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shir ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble.
Ugu horreyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ayaa Xubnaha kale ee Guddiga Warbixin ka siiyay Shuruucda hortaalla Guddiga ee Kalfadhiga 8-aad, iyo sidoo kale qorshayaasha kale ee Guddiga u degsan.
Guddiga ayaa isku raacay in la dardargeliyo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo diyaarinta Shuruucda muhiimka u ah ilaalinta Xuquuqul Insaanka. Sidoo kale, Guddigu waxa uu ansixiyay Jadwalka Kulamada Guddiga iyo qorshaha wada-shaqeynta Wasaaradaha ay khuseeyaan Shuruucda hortaalla Guddiga, iyo sidoo kale la-xisaabtankooda.

