Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadantinimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble.
Ugu horreyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ayaa xubnaha kale ee guddiga warbixin ka siiyay shuruucda hortaalla guddiga ee Kalfadhiga 8-aad, iyo sidoo kale qorshayaasha kale ee guddiga u degsan.
Guddiga ayaa isku raacay in la dardargeliyo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo diyaarinta shuruucda muhiimka u ah ilaalinta xuquuqul insaanka. Sidoo kale, guddigu waxa uu ansixiyay jadwalka kulamada guddiga iyo qorshaha wada-shaqeynta wasaaradaha ay khuseeyaan shuruucda hortaalla guddiga, iyo sidoo kale la-xisaabtankooda.

