Guddiga Wada-Hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Waxaa Maanta Kulan Wadatashi iyo Xog-Wareysi ah isugu yimid Guddiyada Wadahallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyo Guddi Matalayey Qeybaha Bulshada.

Kulankan, ayaa ku yimid Codsi ay soo jeediyeen Guddi ka kala socdey Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka.  Guddiga ka socdey Qeybaaha Bulshada ayaa siday  Fariimo iyo Aragtiyada ay ka qabaan Qabsoomida Gogoshada Wadahadallada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Intii uu socday Kulanka, waxaa la is-weydaarsaday Xogo iyo Warbixinno ku saabsan Heerka Diyaargarowga Gogosha Wadahadallada.

Ugu Dambeyn, Gudiyadda Diyaarinaya Shirka Wadahadaladda ayaa waxay u Mahadceliyay Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah oo qaatay Doorkooda, waxay ayna sidoo kale in ay qadarinayaan ayna qaadan doonaan talooyinkooda,waxay kaloo uga Mahadceliyeen Daneyntooda Masuuliyadeed ee ay ka muujinayaan Geeddisocodka Wadahadallada Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka.