Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo ee guddiyada doorashooyinka oo soo bandhigay magacyada xubnaha cabashada laga keenay

Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee guddiyada doorashooyinka oo soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada kamuujiyeen dhinacyada siyaasadeed iyo noocyada cabashada laga muujiyay.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in guddigu ay shaqo bilaabeen, lana kulmeen dhammaan dhinacyada siyaasadeed oo u soo gudbiyay xubnaha ku jira guddiyada doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Dowlad-goboleed ee ay cabashada ka muujiyeen.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in soo gaareen 67 xubnood.

hoos ka akhri magacyadda xubnaha ku jira guddiyadda doorashooyinka ee cabashada laga muujiyey.