Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa kulan gaar ah la qaateen Wakiilo iyo Masuuliyiin ka socday hay’addaha deeqaha bixiya

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa ay kulan gaar ah kula qaateen Wakiilo iyo Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya ee wadamada islaamka iyo Ururka iskaashiga islaamka (OIC ).
Kulankaan oo deg-degdeg ahaa ayaa ku saabsanaa Isku-dubbaridka Bani’aadamnimada ee kuwa ay saameeyeen El-Niño, waxaana lagu soo bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka dagan deeganada ay fatahaada ka dhacday.
Shirkaan ayaa looga hadlay hababka jawaab celinta deg -degdega ah iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay, intaa waxaa dheer oo kulankaan looga hadlay iskuduwidda iyo in hay’addaha ay ka qayb-qaataan Dib-u-dejinta dadka barakacay iyo nafaqeeyntooda iyada oo la saarayo ogaanshaha mudnaanta iyo baahiyahooda.
Hay’ aduhu waxay balan qaadeen inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan, qaybna ka noqon doonaan jawaab celinta deg -degdega ah iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay