Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo la-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 8-aad ku yeeshay xafiiskiisa, xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi ayaa waxaa lagu falanqeeyey Hindise Sharciyeedka Wax-ka-Baddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Sharci LR.130 ee soo baxay 22-kii April-sanadkii 2012, kaasoo hore u maray Akhrinta labaad, waxaana xubnaha guddiga inta kulana uu socday ay ka doodeen sidii loo diyaarin lahaa Akhrinta sedaxaaad ee Hindise Sharciyeedka Wax-ka-Baddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo lagu darayo doodii iyo aragtiyadii Xildhibaanada Golaha Shacabka, diba golaha loogu celin lahaa si uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.


