Guddiga Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka ayaa xafiiskiisa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wakiillo ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa la tashiga Hindise sharciyeedka lacag bixinta Qaranka oo uu guddiga gacanta ku haayo, waxaana wakiillada ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay ay Hindise sharciyeedka lacag bixinta Qaranka ku biiriyeen talooyin iyo aragtiyo ay ka qabeen qodobbada Hindise sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay wakiillada ka socday Bankiyada iyo xawaaladaha sida gaarka ah loo leeyahay, isagoo tilmaamay in ka guddi ahaan ay joogteyn doonaan kulamada la tashiyada ah ee ay la qaadanayaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khuseeyaan shuruucda uu gacanta ku haayo.