Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha ( GMDQS), isagoo tixraacayo kulankii wadatashiga ahaa ee uu la yeeshay ururada siyaasada 4-tii Luulyo 2026, islamarkaana tixgelinaya codsiyadii iyo soo jeedimihii ay ururada u soo gudbiyeen Guddiga ee la xiriiray dib-u-eegista jadwalka doorashooyinka isku sidkan Dowlad gobolleedka Galmudug iyo doorashada guddoonada golaha deegaanka gobolka Banaadir, wuxuu la socod siinayaa dhammaan daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka qodobadan soo socda:



