Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo la kulmay culumaa’udiinka Soomaaliyeed

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, iyagoo kala hadlay doorka kaga aaddan arrimaha doorashooyinka .

Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ujeeddadiisu waxay ahayd latashiga Culummada iyo dhageysiga talooyinkooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka dalka ee qof iyo cod

Culumaa’udiinka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo in awoodda dib loogu soo celiyo shacabka si ay ula xisaabtamaan mas’uulka ay doortaan, waxayna uga mahadceliyeen dowladda federaalka dadaalka ay gelineyso in dalkan doorasho qof iyo cod ah ka qabsoonto.