Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Jowhar ka Daahfuray Ololaha Diiwaangelinta codbixiyaasha

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Jowhar ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah ugu bilowday Dowlad gobolleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo dadweynihii kale ee goobta codbixinta soo xaadiray ayaa isdiiwaangeliyay, taas oo muujineysa ifafaalaha wanaagsan ee loogu dareeri karo doorasho dadweyne.