Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariim Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Gaalgaduud.
Wafdigaasi oo ay kamid ahaayeen qaar kamid ah xubnaha Guddiga waxaa soo dhoweeyay wakiillada gudiggaasi ee Galmudug, Xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo dadwayne kale.
Socdaalka wafdiga ka socda guddiga doorashooyinka ayaa yimid xilli maalinimadii shalay ay ku dhawaaqeen taariikhda qabashada doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka & tan madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya.

